ARI XIL DOON AH......

By Abukar Albadri,Saxafi madax banaan.

Goor aroor hore ah anigoo gurigeyga jooga oo salaadii markaan dukaday ka dib akhrisanaaya juskii quraanka ahaa ee subaxda ayaa iridda laygu soo garaacay .

Si taxadar badan ka muuqata ayaan u furay, maadaama ay Muqdisho ka dhamaaday aaminaadii oo dilka uu noqday waxaan laga xishoon.

Markii aan iriddii furay ayaa waxaan la kulmay mucjiso, waa ri', waxey sidaa infiito, aniga ayeyna igu casuumeysaa shir jaraa'id oo ay qabanayaan arriga Soomaaliyeed.

Shirku wuxuu ka dhacayaa meel duleedka ka ah suuqii xoolaha, waxaa loogaga hadlayaa xaalada dalka uu marayo iyo sidii loo badbaadin lahaa ummadda Soomaaliyeed dad iyo duunyaba.

Anigoo la yaaban ridan wada infiitada iyo wax yaabaha ku qoran oo aan aheyn kuwii aan uga bartay infiitooyinka ayaan soo kiciyey nin saaxiibkey ah oo guriga ila deganaa, waxaan tusay infiitadii.

Saaxiibkey wuu igu qoslay, wuxuuna igu yiri "waa adiga aan kaa waayey Bisad iyo Jiir "Doolli" ha wareysane, mar haddey riyihii ku soo dalbadeen ugu dambeyna waxaa shir kugu casuumi doona libaax iyo waraabe, ka dibna way ku raamsan doonaan".

Aniga caraadinta saaxiibkey dheg jalaq uma siine waxaan aaday shirkii laygu casuumay, markii aan madashii imid ayaan lakulmay mucjisadii iigu yaabka badneyd ee aan abid arko.

Afaafka laga galo waxaa lagu xardhay ubaxyo aad u tiro badan, caleemo qooyan, iyo turaaxado laga sameeyey dufta ariga gaar ahaana idaha.

Iridda hareeraheeda waxaa taagan tiro waxaro ah oo ubaxyo ruxaya oo loo diyaariyey soo dhoweynta, waxeyna igu yiraahdeen "Me'e...Me'e" oo macnaheedu yahay "welcome boss" waxaana ii fasiray orgi taagnaa albaabka.

Inta aanan gudaha galin waa lay baaray waxaana laygu yiri "naga raalli ahaaw martigeenoow waan ku baareynaaye, waayo dad ayaad tahay laguma aamini karee".

Shirka jaraa'id waxey ariga Soomaaliyeed ugu talo galeen in ay ku soo bandhigaan ra'yigooda ku aadan talada dalka uu marayo, waxeyna sidoo kale goobta ku caleemo saarayeen laba (2) riyood oo ay ugu talo galeen in ay u tartamaan hoggaanka talada dalka.

Goobtu waxaa ku xaadir ahaa dhammaanba ka qeybgalayaashii loogu talo galay, qofka soo daahay ee la sugaayey waa aniga oo qudha.

Aniga waxaan ahay wariyaha kaliya ee la casuumay, markii lay soo dhoweeyey ee aan fadhiistayna waxaa la bilaabay in shirkii la furo.

Shirkii waxaa furay orgigii ugu da'da weynaa orgiyada meesha fadhiday, waa orgi weyn, xoog badan, oo haybadda ilaah siiyey iyo garkiisa quruxda aad moodid inuu yahay caalim diinta ku taqasusay.

Orgigan wuxuu garbo saaran yahay go' laga sameeyey caleenta mooska oo ay korka kaga qoran tahay "RABBIYOW NABAD KEEN", wuxuuna gashan yahay koofiyad Baraawe iyo jaakad ka sameysan caws.

Goobtu quruxdeeda waxaa sii bilaya habka loo agaasimay, waxaa meel walba adeegaya eesaamo gashaanti ah oo quruxdooda aad moodo bil 14-naad ah, qof walboo isha marsaarana uu gacloonayo, waxaro ubaxyo sida oo heesaya iyo riyo gashan dharka hidaha iyo dhaqanka oo buraanbur qaaday.

Orgigii shirka furey wuxuu yiri "maanta shirkeena jaraa'id wuxuu ku saabsan yahay in ariga Soomaaliyeed uu ka tashado aayihiisa, ka dibna ka tashado aayaha dalka" wuu sii waday "ariga Soomaaliyeed wuxuu go'aansaday inuu talada dalka ka qeybqaato, 18 sano ayaan dadka Soomaaliyeed u tanaasuleynay oo aan laheyn war xal gaara, waana gaari waayeen, waxaan doonaynaa anagana in markeenii aan hogaanka dalka qabano, haddii aan ku guuleysano waa sidii loo baahnaa, haddii aan ku guuldareysano waxaa iyagana markooda la tijaabin doonaa dugaagta duurjoogta ah"

Aad ayaa loogu sacbiyey orgigii garka heybadda badan lahaa, waxaana hal mar lala istaagay cayaaro iyo damaashaad ay sameynayeen dhammaan arigii goobta joogay.

Waxa riyo is ruxaya, waxa orgi gardheer ee boodaya, kuwa Allaahu Akbar leh, waxaraha heesaya iyo eesaamaha cabitaanada iyo cuntooyinka qeybinaya ayaa xiise gooni ah lahaa.

Orgigii ayaa hadalkiisii sii watay, wuxuuna yiri "dalkan badbaado ayuu nooga baahan yahay, dadka Soomaaliyeed ee maanta joogaa wax masuuliyad ah ma qaadi karaan ma jirto, dalka wuu dayacan yahay, waxaa na saaran masuuliyadda ah in aan badbaadino " "dadka isdilka waa ku daaleen, waxaa laga yaabaa in ay u soo jeestaan in ay anaga markeena na laayaan, waa in aan ka gaashaamanaa arrintaas, sida kaliya ee aan ku gaashaaman karno waa anaga oo talada kala wareegno" ayuu si xamaasad leh u yiri, sacab iyo sawaxan ayuuna kasbaday.

Waxaan kala garan waayey in aan dad horfadhiyo iyo in waxa ay indhaheyga u jeedaan ee riyaha ah ayba yihiin run, waayo sida ay u nadaamsan yihiin iyo hanaanka kala dambeynta weli kuma aanan arag xafladihii ay dadka agaasimayeen ee aan ka qeybgali jiray.

Laakiin yaabkeyga indha taagtaageyga looma hakane orgigii warkiisii ayuu sii watay, wuxuuna yiri "Dad Soomaaliyeed oo aan aaminno waxaa ugu dambeeyey labadii Sheekh maxaakiimta, iyagana waxey raaceen tubtii dagaal oogayaasha, garka iyo sunada ka muuqatana runtooda ma ahan,waayo waxaa noo soo baxday in ay xil doon yihiin, waxaana dooneynaa in aan u sheegno anagaba gar dheer waan leenahay kitaabkana nalagama xigo waa isku xukumeynaa ee raalli ahaada, haddii kale gefka aad shacabkii idin aaminay iyo xoolaha Soomaaliyeed ka gasheen ka towbad keena"

Ujeedka shirka jaraa'id wuxuu i dhacay marka uu sheegay khilaafka labada sheekh, ka dibna waxaa sii socday shirkii, waxaana meesha lagu soo bandhigay laba riyood oo la kala yiraado Muriyo-Dheeman iyo Dahabo-Luul.

Madasha waxaa laga sheegay in rida Muriyo ah ay u sharaxan tahay madaxweynaha Soomaaliya ee mustaqbalka, waxeyna xilkaasi ku mataleysaa isbaheysiga dib u xureynta dalka, halka rida Dahabo Luulna ay utaagan tahay xilka ra'iisal wasaaraha oo ay ku matali doonto isbaheysiga TFG-da.

Labadaasi riyood ee la caleemo saaray, waxaa loo xilsaaray in ay ergo ahaan ugu tagaan TFG iyo ARS si ay uga soo dhameeyaan in ay xilka iyaga ku wareejiyaan, maadaama intii ay talada hayeen ay ka badin waayeen in ay maati xasuuqaan iyo in ay aqoonyahanka dilaan.

Shirka waxaa laga soo saaray baaq tacsi ah oo arriga Soomaaliyeed ay u direen qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen xoolihii Soomaaliyeed ee ay doonta kula degtay xeebaha Barbara.

Markii uu shirkii jaraa'id dhammaaday ayaa waxaa ka qeyb galayaashii loo qeybiyey caws aad u cagaaran oo udugiisa laga yaabay, anigana waxaa la ii keenay ameel xumbeynaya oo caano ari ah.

Inta aan caanihii ameelka ku jiray ka laacayey ayaan wareysi la yeeshay ridii Muriyo aheyd, waxaan waydiiyey mihilooyinka ay hiigsano ee ka dhigi kara madaxweyne, waxeyna tiri "maanta Soomaaliya himilo la hiigsado uma baahna, waxey u baahan tahay dhiig joojin, anigana xilka la ii igmaday waa dhiig joojinta, marka aan dhiig joojinta ku guuleystana ariga Soomaaliyeed ayaa madaxweyne dooran doona"

Waxaan weydiiyey dadka Soomaaliyeed ma idinka yeeli doonaan in aad madax u noqotaan? Waxeyna iigu jawaabtay "hadda waxey taagan tahay dadka gudahooda, laakiin hadey noo diidaan in aan madax u noqono dagaalka wuxuu isu bedeli doonaa dad iyo duunyo"

Ugu dambeyntii rida Muriyo ah waxey dowlada Itoobiya ugu baaqday in ay si shuruud la'aan ah kaga baxdo Soomaaliya, haddii kalana ay la kulmi doonto dersi aysan maleyn karin.

Waxaan hal su'aal weydiiyey rida Dahabo-Luul, "Awood weybsiga booska lagaa siiyey TFG maku qanci doonaan in aad ku metesho?" waxeyna iigu jawaabtay xilka iyo awoodda waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed ee leh dad, duunyo iyo duugaag, ciddii diidada wada jir ayaan ula dagaaleynaa"

waxaan horey u aragnay ra'yiga Bisadaha (Mukulaalaha), Soomaaliyeed, hadana arigii, waxaan sugnaaba waa in ay xaywaanaadka kalana ka hadlaan dhibka dalka yaala.

Wixii dhaliil iyo tusaale ah....

Abukar.albadri@gmail.com

Dhibaatada ariga Soomaaliyeed ku gaartay dalka inta ay itoobiya joogtay.#

Dagaal oogayaasha dhibka ay u geysteen.#



 (Ku noqo Page-ka Hore)

Xafiiska Wararka Gelinsoor News Agency (GNA)
Mogadishu-Somalia
E-Mail: Webmaster@gelinsoor.com
Warar Xaqiiqa ah Kala soco Shabakadda Gelinsoor

COPY © RIGHT 2008, Gelinsoor.com  All right reserved (Designed By Webmaster  Timacade) E-mail: Webmaster@gelinsoor.com