|
BISADO
WADANIYIIN AH....
By Abukar Albadri,
Si kedis ah ayuu iigu soo dhacay dhawaaq aanan fileyn xilli aan marayey
xaafadda Xamar-Jadiid ee degmada wardhiigleey ee magaalada Muqdisho
Inkastoo aanu qof ka muuqan goobta aniga mooyee hadana waxaan is lahaa
waxaa kula hadlay qof bani'aadam ah, laakiin layaabkeygii iigu weynaa baan
yaqiinsaday...!!!
Dhankeyga midig markaan jaleecay si aan u arko qofka ila hadlay ayaa waxaa
ii muuqatay bisad, waxeyna igu tiri "Ha yaabin! Waa aniga ee maanta
wareysi iga qaad"
Filan waagaba ha iigu wacnaadee codka bisaddu mid layaab leh ayuu igu ahaa.
Waxaan qalbiga iska iri "tanina way kuu dhinneyd!!" waxey ii raacisay "waayaha
ayaa naga hadalsiiyey"
Inkastoo aan yaabay, cabsaday, fajacay hadana waan muusooday oo waan
dhoola-caddeeyey.
Ugu horeyn waxaan bisadii weydiiyey "magac ma leedahay?" waxeyna iigu
jawaabtay "Haa! Bilan Jiir-dile ayaa lay dhahaa" waxaan sii weydiiyey "maxaad
jeceshahay inaad ka hadasho oo aan kaa gudbiyo?"
"Waxaan ka hadlayaa dhibaato aan qabno oo aan weligeed la sheegin, waxaana
fariin u dirsanayaa Bisadaha Soomaaliyeed ee qurba joogga ah" ayey tiri.
Bilan Jiir-dile waa bisad yar oo aan da'deeda ku qiyaasay 4 sano
jir,waxaana aad uga muuqda daruuf, diif iyo dan-darro, dhinaceeda midig
taagneyd bisad kale oo ay saaxiibo yihiin oo lagu magacaabo Gaaddo.
Labadooduba waa agoon, waxeyna waalidiintoodii ku dhinteen madaafiic ay
soo rideen ciidanka itoobiya oo ku habsaday guriyihii ay ku noolaayeen,
kuwaas oo sidoo kalana laayey qaar ka mid ah xubnihii qoyska guryaha lahaa,
xaafada ay joogaanna waa meel gebi ahaan laga qaxay oo aan qof joogin.
Waxaan aad uga calool xumaaday daruufta nololeed ee heysay bisadahaasi.
Sheekadii na dhaxmartay aniga iyo bisadaha waxey u dhacday sidan.
Bilan Jiir-dile waxey iiga sheekeysay qisooyin la yaab leh oo ku soo maray
xaafada lagaga qaxay muddadii sanadka iyo barka aheyd ee ay ku noolaayeen.
"dhibaatada ugu daran ee na soo martay waxey aheyd iyadoo ay madaafic nagu
socdaan ayaan hadana waynay waxaan cunno iyo waxaan cabno, meel aan aado
waan garan weynay" ayey tiri "dadkii na lahaa qaarkii dhintay maahee intii
kale waa iska carareen dibna nooguma soo laaban"
Waxaan waydiiyey imisa qofood ayaa guriga ku dhimatay? Sideyse u dhinteen?
Waxeyna iigu jawaabtay "horta waxaa guriga ku soo dhacay wax aad u dhawaaq
weyn ka dibna waxaan arkay aabihii reerka iyo qaar ka mid ah wiilashii uu
dhalay meyd ah, guriga waxaa ku noolaa 12 qofood sedax uun baa badbaaday"
Bisadan inkastoo ay yaraanteedii ku soo dhax barbaartay qoys Soomaaliyeed
oo aad u wanaagsanaa, waxey aragtay indho xumo, nolol xumo iyo rajo xumo.
"indha-xumada aan arkay waa dadkii aan la noolaa oo la laayey,
nolol-xumada aan la kulmay waa maciishad la'aanta igu dhacday, rajo-xumada
aan qabana waa burburka ku socda heshiiskii jabuuti"
Taa waxaa u dheer in ay tabaneyso in bisadaha Soomaaliyeed loo geystay
tacaddiyo barer ah "Itoobiyaanku adaafiic ayey nagu laayeen, meydkeenii
lama duugo, qaarkeen dhaawac ayey u dhinteen oo lama qaadin, qaarna gaajo
ayaa leysay"
Cabasho ayey ka yihiin shacabka Soomaaliyeed "Welina ma arag qof na soo
xasuusta oo gargaar inoo keena, waxaan xaq u laheyn in gargaar naloo
fidiyo"
Bilan Jiir-dile iyo saaxiibteed Gaaddo waxey rumeysan yihiin in ay yihiin
wadaniyiin, waxeyna hayaan daliil ay u cuskan karaan arrintaas.
"Anagu wadaniyiin dhab ah baan nahay, waxaana taas daliil u ah si kasta oo
aan u gaajoonay inta aan halkan dayaca ku aheyn marna damiirkeena nama
siin in aan u tagno askarta itoobiyaanka ee ku sugan Isgooska Cali Kamiin
iyo Muqdisho Istaadiyam" "isuma quuro inaan ak tago askari Itoobiyaan ah,
balse waxaa bisadaha ka liita kuwa itoobiyaanka keenay iyo kuwa ka ag
lulufta"
Waxey intaas sii raacisay "waxaan xasuustaa oraahdii madaxweynihii ummadda
Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre ee aheyd gunnimo dhereg leh
gobanimo gaajo ahaa ka roon, maanta waxaan helnaa luluf yar inkastoo uusan
nagu filneyn"
Mar aan waydiiyey lulufkaasi halkeed ka heshaan? "Dhalinyarada muqaawamada
marka ay galayaan dagaalka ayey akteena raashiinka ku cunaan, bacaha ay ku
cuneen ayaan lulufanaa, haddii aan ak istaagno nama eryaane waxey na
siiyaan wax yar oo naf ku celis ah"
Inkastoo ay tahay adduunyo is rogeysa in ay bisadihii ku soo biiraan
dhaliilaha loo hayo raga maanta sheeganaya masuuliyiinta hadana bisaddu
waxey heysaa daliil cad oo ay u cuskaneyso waxa ay ku eedeyneyso dadka
masuuliyadda sheegta.
"Tan iyo markii la waayey dowladii Soomaaliyeed ee na xanaaneyn jirtay ma
jirto hal bisad oo aaday Itoobiya ama Kenya si ay dalka u keento bisado
cadow ah"ayey tiri.
Gaaddo ayaa iyadana waxey leedahay "aan kaa qosliyo weriye"
Waxaan iri "hayeh!" waxeyna igu tiri "dadka Soomaaliyeed way isu tanaasuli
waayeene anaga hogaaminka dalka ha noo dhiibaan markeena"
Runtii waan qoslay, waayo waa fajac in bisadihii ay na og yihiin in 18
sano aan gaari weynay xal.
bisaddii caaqilada aheyd waxaan weydiiyey "lacala haddii aad madaxweyne ka
noqoto Soomaaliya maxaad sameyn laheyd?" waxey ku jawaabtay "beeshan
caalamka ee lugooyada ah waan ka tashan lahaa, cadowgeygana waan u tashan
lahaa, hay'adaha gargaarkana waan ka maarmi lahaa"
waxaan weydiiyey "sidey kula tahay in xal lagaga gaari karo dhibaatada
Soomaaliya" Waxeyna iigu jawaabtay "Sida aan cadowgeena warkiisa u maqalno
oo aan u qaadano aan isugu dhega nuglaano, xalku waaba intaas"
Bisaduhu waxey leeyihiin maamul, waxaana taas daliil u ah xikmadan qaaliga
ah ee ay Bilan Jiir-dile adeegsatay "anagu haddaan mukulaal nahay waxaan
isku habaarnaa talo xumo hakuu taliyo waa waligaa takoornoow, maanta
talaxumayaasha Soomaaliyeed ee dadka horboodaya ayaa takoorka inoogu wacan"
markii aan la yaabay wacyiga bisadahan wadaniyiinta ah meesha uu
gaarsiisan yahay ayaan weydiiyey "yaa idin sheegay waxaan oo dhan?"
waxey iigu jawaabeen "waxaan dhegeysanaa raadiye yar oo ay inooga qaxeen
dadkii aan la noolayn"
bisadahan waxey aad uga tiiraanyoonayeen geerida silsilada isdaba taxan ah
ee ku dhacday fanaaniintii Soomaaliyeed, waxeyna si gaar ah ugu
tacsiyeynayeen eheladii iyo asxaabtii Ustaadkii waynaa C/lla Nuuradii
Axmed Ilaah Naxariistii Janno haka waraabiyee.
"geeridu waa xaq, laakiin waxaan la yaabnay iyadoo ay fanaaniintii iyo
abwaanadii is daba kaceen hal mar, waxaan aad u xiiseyn jirey barnaamijkii
Dhageyso oo ku dhaqan ee Ustaad C/lla Nuuradiin uu ka daadihin jirey
idaacadda Horn Afrik, waxaana aad u jeclaan jirey heesta fiidmeerta ee
fanaan Xasan Diiriye Faarax"
Ugu dambeyntii waxey bisadahan fariin u dirayaan bisadaha Soomaaliyeed ee
qurba jooga ah, iyagoo ka codsaday in ay u soo gurmadaan, sida ay dadka
Soomaaliyeed ee qurba jooga ah ugu gurmadeen walaalahooda dalka gudihiisa
ku dhibaateysan.
Wixii talo iyo dhaliil ah ........
Abukar.albadri@gmail.com
(Ku noqo Page-ka Hore)
Xafiiska Wararka Gelinsoor
News Agency (GNA)
Mogadishu-Somalia
E-Mail: Webmaster@gelinsoor.com Warar Xaqiiqa ah Kala soco Shabakadda Gelinsoor
|
|