|
DAAWO
SIRTA KHILAAFKA LABADA SHEEKH....qormo kaftan siyaasadeed ah."wada akhri
si aad u wada fahamto muhiimada qormadan" note-ka qoraaga.
By Abukar Albadri
Saxafi madaxbanaan:
Anigoo aad uga murugeysan masiibada ku habsatay hoggaanka halgankii dib u
xureynta ayaan si hal haleel ah ku seexday, tiiyoo aaney hurdo fiicanba
iga soo dhicin ayuu ii yimid haatuf, shaki iyo cabsi weyn ayuuna igu
beeray.
Cabsida aan dareemay darteed baan riiraxyo tirtay, wejigana sacabkaan
mariyey, hareeraha ayaan eeg eegay misana meel aan iga fogeyn oo horteyda
ah ayaa waxaa dig ku soo yiri shimbir ii wada dhambaal ku sajilan baqshad.
Haddiiba baqshadii ayaan furay, waxaana ku jirey cajal CD ah oo ay dusha
kaga qoran tahay "DAAWO SIRTA KHILAAFKA" waan yaabay, indhahaan markale
sacabka mariyey, hadana dib baan u eegay si aan u hubsado inuu qoraalkani
sax yahay iyo in ay indhaheyga yihiin kuwa beensheegaya, laakiin hubsaday
cinwaankii cajalka.
Dabadeed maxaa dhacay...? Durba waan furay, waan shiday, daawashaan u
galay, intaanan ka gudbin boggii 1-aad ee cajalka ayaa waxaa iga soo
horbaxay codsi aniga igu socday oo u qornaa (FADLAN NOQO NABAD-JIRE OO
DHAXGAL LABADA SHEEKH)
Waan sii eegay oo waxaa codsiga soo direy doolli yar oo intuu ka qaxay
Muqdisho ku dhibaateysan duleedka xeebta Jasiira, misana rajo wanaagsan ka
qabay heshiiskii Jabuuti.
Doolliga wuxuu aad uga walaacsanaa inuu ka sii qaxo meesha uu maciinka
biday, ka dibna aniga oo qiimeynaayey xaaladdii ayaan aqbalay codsigii
doolliga.
Waxaan isu diyaariyey inaan NABAD-JIRE noqdo oo aan dhaxgalo labada Sheekh
ee talada ka halaawday.
Si nabadda aan raadinaayo iyo xaalka sida uu yahay aan wax badan uga
ogaado ayaan u sii dhaadhacay guntii hoose ee cajalkii, waan daawaday
dhammaantii si qumaati ah, cajalka wuxuu lahaa qeyb 1-aad iyo qeyb 2-aad
oo ka kooban jilliino kala gedisan.
QEYBTA 1-AAD
Cajalku wuxuu ka bilaabanayey koox culimadda suufiyadda ah oo meel siyaaro
ah ku digrinaya, cayaal ku cayaarayey meel iskuul ahaan jirtay iyo
hooyooyin safaf dhaadheer ugu jirey goob caafimaad oo ay dhakhaatiir ka
yihiin niman madmadoow oo wejiyo qalfoof ah leh.
Anigoo intii la yaaban ayuu cajalkii sii socday, waxaana horteyda yimid
qeyb cusub oo anigii cajalka daawanaayey ka dhax muuqdo, (graphic
content....) waan yaabay, waxaan gashanahay dhar cad cad, wejigana waxaa
iigu xiran maro cad oo ay ku qoran tahay "WAXAAN AHAY NABAD-JIRE"
Waxaan bilaabay geeddigii aan ku baadi goobaayey sidii aan ula kulmi lahaa
labaddii Sheekh ee aan dhaxgali lahaa arrintooda.
Ugu horeyn waxaan ka soo bilaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaan iska
soo xaadiriyey xafiiskiisii, markii aan u sheegay xogheyntii in aan ahay
NABAD-JIRE doonaya inuu Sheekha la kulmo ayey ii sheegeen inuu jiro liis
lagu qoro dadka doonaaya in ay Sheekha qaabilaan, liiskii ayaan isku qoray,
waxaana ahaa qofka 1000-aad (kumaad) ee liiska ku qornaa, welina dad baa
iga sii dambeeyey.
Maalmo ayey igu qaadatay in aan sugo la kulankii Sheekha, xogheyntiina
warkeygiiba way diideen, anigiina maadaama aan balan ku soo galay in aan
nabad ka dhaxdhaliyo labada Sheekh iima furneyn jid kale oo aan ka aheyn
inaan la kulmo, anigoo kaashanaya Allaah.
Ileen Soomaali laalaab kama dhamaadee,markii aan xaalka ku jahwareeray
ayaan bilaabay inaan si laalaab ah ku raadiyo la kulanka Sheekha oo aan
iska dhaafo liiska baas.
Qolka uu Sheekha ku jirey wuxuu lahaa afar irdood oo mid walba ay jiho ku
taalo, iriddii waqooyi ayaan kaga imid, balse waxaa safka igaaga soo
horeeyey nin la ii sheegay inuu yahay ergayga Eritrea u fadhiya
isbaheysiga dib u xoreynta, gadaashiisna waxaa taagnaa safiirka Iiraan u
fadhiya Midowga Africa oo uu jeebkiisa ku jiro sawirka madaxweynihii hore
ee ruushka Vladimir Putin, waxeyna horteyda meeshaasi taagnaayeen dhawr
maalmood, waxaa loo sheegay inuu Sheekhu ku jiro hawl qaran oo aad u
muhiim ah.
Dhankii qiblada markaan ku soo shiiday, waxaan iska soo xaadiriyey
illinkii galbeed, dadka dhooban darteed waxaanba is iri mudaaharaad ayaa
ka jira, waxeyna indhaheyga qabanayeen wasiirka arrimaha dibadda Yaman iyo
kan Masar oo isla taagan, misana gunuunacaya, is-hiifaaya oo leh, "ma
shakhsi Soomaali ah ayaan intaan ka badan u taagnaan karnaa" laakiin
safiirkii Yaman baa ku jawaabay "anagaa dan leh", Sheekhiina weli
hawshiisii qaran ayuu ku jirey.
Halkiina waan ka soo quustay, ka dibna waxaan imid afaafkii koofureed ee
xafiiska, meeshan waxaa joogeen niman sita calamaanta Kenya, Tanzania iyo
Rwanda, waan yaabay, waxaan is iri Sheekha tolow ma madaxweynuu noqday.
Haseyeeshee waxaa halkaas iiga soo horeeyeen dad dhawr ah oo Soomaali ah,
iyagu rajo beel ayeyba taagnaayeen oo bishiiba mar ayaa albaabkaasi
koofureed ee xafiiska Sheekh Xassan la furaa ayey igu yiraahdeen, bishana
waa calaf oo qofka nasiib u yeesha ayaa ka galaaya.
Markii aan ka quustay sedaxdii albaab ayaan u dhaqaaqay albaabkii dhanka
bari ku yaalay, waa albaabkii ugu dambeeyey ee aan isku dayi lahaa in aan
sheekha uga soo galo.
Albaabkani ma dad badneyn, waxaa taagnaa nin isugu keey sheegay inuu yahay
Suudaani, wuxuuna usha u hayey nin indhoole ah oo Ugandhees ah, indhoolka
Ugandhees wuxuu dusha ku xambaarsanaa wasiirka arrimaha dibada Itoobiya
Siyuum Misfin oo ay afka ugu jirtay masaasad (caagadda caruurta la nuujiyo)
oo uu dusha kaga sawiran yahay calanka Mareykanka, meel aan sidaas uga
fogeynna waxaa taagneyd Jenday Frezer oo cayaarsiineysa ninka dusha lagu
waday, indhaha ayey ka cayaarsiineysa sida ay hooyooyinka caruurta uga
cayaarsiiyaan ayeyna u cayaarsiineysay, isagana wuu qoslaayey.
Waan ka naxay qoladan, waxaan weydiiyey "maxaa meeshan idin dhigay?" waxey
yiraahdeen Sheekha ayaan doonaynaa, dan la yiraahdo IGAD ayaa isku keen
soo qasabtay laakiin isku dan ma nihin sedaxdeena ayeyna ii raaciyeen.
Waxaan eegay Albaabkii waxaa ku qorneyd ALBAABKA RAJADA, markiiba waxaan
istaagay halkii ugu horeysay ee albaabka, waan garaacay, waxaana iga furey
nin xogheyn ah, markii aan u sheegay in aan ahay NABAD-JIRE doonaya inuu
Sheekha la kulmo wuu isoo dhoweeyey, wuxuu ii gudbiyey qolkii Sheekha,
waxaan soo galay qolkii Sheekha, misana Sheekha nin ajnabi ah ayaa wuxuu
gudaha ku barayaa luuqadda Ingiriiska, wuxuuna doonayaa inuu qaabilaadda
bilaabo marka uu barto wixii uu kula hadli lahaa madaxda safka ugu jirta.
Sheekha waxaan u sheegay inaan muddo maalmo ah u joogay banaanka
xafiiskiisa sidii aan ula kulmo, wuxuuna iigu cudurdaartay "walaaloow
tarjumaanadii baan ka shakinay, waxaan go'aansaday inaan si koorso deg deg
(Intensive Course) ah ku barto luuqadda Ingiriiska oo aan wax dambe la ii
tarjumin, waana hawl qaran"
Waxaan ka codsaday inuu iga ogolaado inaan dhaxgalo isaga iyo Sheekhii ay
iskhilaafeen, wuuna iga yeelay, laakiin wuxuu shuruud ka dhigay in
heshiiska ay qeyb ka ahaato Eritrea haddii la doonaayo in uu meel maro.
Waxaan la fajacay inta dhib ee aan u maray Sheekha la kulankiisa iyo inta
dimpolaasiyiin banaanka u taagneyd iyo ... luuqadda Englishka.
Sidii ayaan kaga soo ruqaansaday dhankii Xafiiskiisa, waxaana iska soo
xaadiriyey Xaruntii Sheekh Shariif si aan ula kulmo isagana oo aan uga
raadiyo nabad.
Sheekh Shariif ma laheyn xafiis oo wuxuu si KMG ah u deganaa Hoteel, isla
hoteelka ayuu hawshiisa qaran ku watay, wuxuuna dadka ku qaabilayey fadhi
yar oo qolkiisa qeyb ka mid ah yaalay.
Markii aan imidba waxaan xogheyntii u sheegay in aan ahay NABAD-JIRE
doonaaya inuu Sheekha la kulmo, layma daahine waa la ii gudbiyey, waxaana
ugu soo galay qolkii uu ku jirey.
Weji furan ayuu igu qaabilay, waxaa qolka kula jirey nin Carab oo gashan
koofid uu ku sawiran yahay calanka dowladda Qadar, carabku wuxuu Sheekha
tus tusaayey Album sawiro ah oo ay ku jiraan madaxda reer galbeedka iyo
xulufadooda Carabta.
Albumka korkiisa waxaa ku qornaa qoraal English ah oo u dhignaa "You are
either with us or with them!!!"
Sheekh Shariif ayaan codsigeyga u bandhigay, laakiin wuxuu igu dhahay "haddii
aad ka soo dhameysato Axmadu Walad Cabdalla anaga waxba kama qabno,
nabadda waan kaa qaadanaynaa".
QEYBTA 2-AAD
Qeybta labaad ee cajalka waxey ka bilaabaneysay Qanyare iyo Muuse Suudi oo
taleefoon ku sheekeysanaaya.
Qanyare oo la yaabay khilaafka ka dhax aloosmay labada Sheekh ee isaga iyo
asxaabtiis kol hore ka qabsatay Muqdisho ayaa taleefoon ku wacay Muuse
Suudi wuxuuna leeyahay "Muuse ka waran wadaadkii iyo cayaalkiisa waxa ka
dhax dhacaya, waan dareemayey in CIA aysan ku sabreyn in anaga nalaga
adkaaday oo qura, hadeertan waxaan fahmay in dhamaan danley la wada yahay
oo qof mabda' lagu raacaay uusan jirin"
Muuse Suudi ayaa ugu jawaabay "Kuwaan armey na siraayaan oo aysan
khilaafka runtooda aheyn" Qanyare oo khilaafka ku raaxeysanaaya ayaa intuu
koob kafee ugu jirey soo qaaday si haaneed lehna u kabooday wuxuu yiri "Walle
waa ka dhab, waaba xarfaan kuwan, anagaa fahmi weynay maahee waa raggedii...!!!"
Muuse Suudi wuxuu hadlakiisii ku soo koobay "Mineey xarfaan yihiin Bashiir
Raage ayey isfahmi lahaayeen"
Qanyare oo ku raaxeysanayey hadalkii Muuse ayaa wuxuu la sara istaagay
qosol dheer oo sababay in xildhibaano hurdaayey oo ay ka mid ahaayeen
Salaad Cali Jeelle iyo Cumar Finish soo kacaan.
Jilliinka xigay qeybtan wuxuu ahaa Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya
Md. C/Rasaaq Xaaji Xuseen oo ku dul ooyaaya qabrigii Madaxweynihii hore ee
Soomaaliya Aadan Cadde dushiisa Allaah ha u naxariistee.
Aniga C/Rasaaq Xaaji Xuseen aqoon uma laheyn, laakiin waxaan weydiiyey "adeer
maxaad halkaan ugu oyneysaa?" wuxuuna iigu jawaabay "ninkan wuxuu igala
dhintay fure muhiim ah, markii uu noolaa waan hilmaansanaa, laakiin markuu
dhintay ayaan soo xasuustay, hadeerna iima soo noqonayo".
Jilliinka xigayna wuxuu ahaa nin Australian ah oo u shaqeeya hay'ad ka mid
ah hay'adaha gargaarka oo duceysanaaya, wuxuuna leeyahay "Ilaahoow
Soomaaliya nabad hasiin ilaa aan guri raaxo ka dhisto magaaladda
Melbourne"
FILLIMKAN QEYB MUHIIM AH BUU LAHAA OO LAGU JILAAYEY MADAXTOOYADA.
Jilliinkan waa ay igu adkaatay in aan galo madaxtooyadda, waayo dhinicii
aan is iraahdo ka soo gal waxaa qori kala soo jeeday askari itoobiyaan ah
oo difaacanaya Madaxtooyada, irrideeda waxaa ku qorneyd Soomaali "No"
Itoobiyaan, Ugadhees iyo Burundi "Free"
Gudaha madaxtooyada waxaa ka socda hawlo kala duwan, qeybta ugu horeysa
marka ganjeelka laga soo galo waxaa lagu tababarayey dhallinyaro
Itoobiyaan ah oo ku lebisan darees ciidan, waxaana la baraayey sida
meelaha ay dadka rayidka ahku badan yihiin madaafiicda loogu garaaco, mar
marna si baroobo ah ayey dhanka Suuqa Bakaaraha ugu tijaabinaayeen qoriga
BM-ka.
Gadaashooda waxaa joogay saraakiil Soomaali oo Janaraalo ah iyo rag
wasiiro ka ahaa TFG-dii Cali Maxamed Geedi, kuwaas oo cunto u karinaayey
askarta itoobiyaanka ah ee tababarka u socday.
Saraakiishaasi waxaan ka aqoonsaday General Ismaaciil Qaasim Naaji iyo
Ismaaciil Buubaa.
Qeybtii xafiiska madaxweynaha ee uu fadhiisan jirey Madaxweyne Maxamed
Siyaad Barre waxaa laga dhigay baar weyn oo ay ka cunteeyaan niman caddaan
ah oo dharka ay ku lebisan yihiin ay ku qornayd CIA, FBI iyo MI6.
Dalabka qadada maqaayadaasi laga helaayey waxaa ugu qaalisnaa hilbo iigu
muuqdo lugo iyo gacmo caruur ah oo dhaylo ah (hilib dad), kuwaas oo lagu
iibinaayey qiimaha ugu sarreeyey.
Maqaayadan waxaa kookayaal ka ahaa Maxamed Dheere iyo Cabdi Qeybdiid,
waxaana kabaryeeriyeyaal ka ahaa Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere),
Jeneraal Moorgan iyo Sheekh Aadan Madoobe.
Calooshaa i hurtay markaan arkay hilbihii caruurta oo lagu qadeynayo, waan
yalaalugooday, balse ma hunqaacin.
Qeybtii hoyga madaxtooyadda oo ay ku jiraan C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde
irideeda waxaa joogay Jeneral Darwiish oo kabo caseysanayey.
Gudaha qolka C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde waxey aad ugu mashquulsanaayeen
oo fiirsanayeen filimka kartuunka ah ee (TOM and JERRY), waxeyna ku
murmayeen "anigaa JERRY ah iyo ma tihide anigaa ah", waxaana aktooda
fadhiyey Axmed C/Salaam oo u tarjumaayey wixii hadba Mukulaasha iyo
Dooliga filimka jilaaya ay iskula hadlaan.
Jilliinka iigu yaabka badnaa ee cajalkaasi ku jirey wuxuu ahaa qaar ka mid
ah madaxda muqaawamada ee ku sugneyd gudaha dalka, waxey yeelanayeen shir
deg deg ah, waxeyna ku shirayeen duleedka magaaladda Muqdisho iyagoo ka
wada xaajoonaya hadladii ka soo kala yeeray labada Sheekh ee ugu sarreeyey
muqaawamada.
Mid ka mid ah raggii Muqaawamada hogaankoodii ahaa ayaa wuxuu kooxdii kale
weydiiyey su'aal, wuxuuna yiri "madaxdeena way is khilaafeen ee anagana ma
haddaan is khilaafnaa oo kala baxnaa mise markaan iska dhicino ciidamada
Copy-ga ah ee dhowaan la keenay ayaan kala baxnaa?"
Nin ayaa ku jawaabay "hadaan hadda iskhilaafno waa nalagu kala tagaaye,
intaan iska deyno nimankaas hoteelada qaboow ku jira warkooda maku
heshiinaa in aan dhisano isbaheysiga dib u xoreynta garabka Muqdisho?"
Meel gees ah ayuu Abuu Mansuur gacanta ka taagay oo yiri "anaga haddaan
nahay Al-Shabaab awalba kama mid aheyn wax la yiraahdo isbaheysi dib u
xoreyn, haddii uu jihaadja dhab idinka yahayna waxaan idinku boorinayaa
dhamaantiin in aad anaga nagu soo biirtaan"
Hadalkooda marna wuxuu noqonayey muran marna degganaan ayey ku wada
hadlayeen, waxaana laga carooday "nagu soo biira"
Inta ay doodahaasi kulul yeelanayeen kooxda muqaawamada ah waxaa meel geed
hoostiisa ah oo u dhaw meesha uu shirka ka socday fadhiyey oo ooynayeen
Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey iyo Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo
ku calaacalayey "Ma hadduu jihaadkii isu rogay kursi doon?" si dhakafaar
ah ayeyna dhabanada u heysteen.
Iyadoo aan waxba lagu heshiin oo weli doodu tahay "Yaa haray oo hadlaaya"
ayaa waxaa bilaabatay Xabad, waxaana laba jiho ka soo weerareen ciidamada
Dowlada KMG-ka ah oo soo maqlay in ay Muqaawamadii shireyso, sidii ayeyna
kulligood ku galeen dagaalkii, iyagoo aan heshiis ka gaarin qodobkii ay ka
shirayeen, welibana isku af garan magaca lagu dagaalamayo iyo
SHEEKHA-KOOXEEDKA laga amar qaadanayo.
Qeybta ugu dambeysa filimka ayaa wuxuu ahaa meel u ek xerooyin ay ku nool
yihiin dad qaxooti ah, waxaana ka muuqday dhawr qofood oo feero qaawan,
macluulsan, misana daruufta heysa darteed aanu jirin mid u jeeda midka
kale.
Dhinacyada Kaamka waxaa ku yaalay qabuuro ay ku sharaxan yihiin
tabeelayaal hay'adeed, waxaana ku qornaa tilmaamo ay ka mid ahaayeen
QABUURAHA WFP, QABUURAHA UNDP, QABUURAHA UNICEF, QABUURAHA MSF, QABUURAHA
CARE INTERNATIONAL, QABUURAHA DRC, QABUURAHA JUUJ WA MAAJUUJ, QABUURAHA
HUMAN RIGHTS-KA, QABUURAHA LOCAL NGOs iyo kuwo kale.
Inta uusan dhamaan filimka ka sheekeynayey SIRTA KHILAAFKA waxaa jira
tabeello weyn oo xayeysiin ah, waxaana ku qorneyd "WAA BEEC, WAANA KIRO"
waxaana hoosta tabeelaha ku sawirnaa Soomaaliya oo loo kala gooyey sedax
meelood, laba meel oo kiro loo rabo iyo meel beec ah.
Dhanka badda waxaa is daba taxnaa maraakiib la iigu sheegay in ay wadaan
dadkii Soomaaliya u dhashay oo loo daabulaayo Jaziiradaha la kala yiraahdo
(SILAC iyo QUUS)
Ugu dambeyntiina waxaa ku qornaa isla baaqii uu doolliga diraayey oo ahaa
NABAD-JIRE NOQO OO DHAXGAL LABADA SHEEKH.
Waxaan laba jibbaaray dadaalkeygii aan ku raadinaayey nabadda, anigoo is
leh bal orodka badi ayaan raacay duulimaad, intaan cirka ku maqnaa ayaa
meeshii aan ka duulay hortey baddii ku soo fatahday (dilaacday) dhulkiina
bad ayuu noqday, meel aan ku soo dego ayaan waayey, aad ayaan u naxay, ka
dibna naxdintii ayaan hurdadii kaga soo toosay.
Hal dhib baa jira, haddii aan hurdadii ka toosay ma hayo hawsheydii
NABAD-JIRE-NIMO, haddaan hurdada ku laabtana ma leh dhul aan ku soo dego
oo aan hawshii ku wado, dhulka aan soojeedka ku heystana kama maarmo,
hawsha aan hurdada ku dhaxwadayna waa muhiim.
Akhristayaasha ayaan laga sugayaa jawaabta qormadan...
Wixii talo iyo dhaliil ah...
abukar.albadri@gmail.com
(Ku noqo Page-ka Hore)
Xafiiska Wararka Gelinsoor
News Agency (GNA)
Mogadishu-Somalia
E-Mail: Webmaster@gelinsoor.com Warar Xaqiiqa ah Kala soco Shabakadda Gelinsoor
|
|